War deg deg ah-:Golaha Shacabka oo si kulul uga hadlay Xiisadda ka taagan M/Qudus

deg

Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Soomaaliya oo hadda kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa si kulul ugu hadlay Xiisadda u dhaxeysa Islaamka iyo Yahuudda ee ka taagan magaalada Barakeysan ee Qudus.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyay Taariikhda siyaasadeed ee magaalada Qudus iyo waayihii adkaa oo ay soo martay, Jawaari ayaa sheegay in Maraykanka uu qaaday Talaabo khaldan dhibka kasto oo ka dhashana ay qaadan doonto Mas’uuliyadeeda Dowladda Maraykanka.

Prof Jawaari ayaa sheegay in aysan Musliiminnta marna gor gortan ka gali doonaan lahaanshiyaha magaalada Barakeysan ee Qudus waxa uuna wadamada Islaamka ugu baaqay in ay tashtaan oo go’aan adag ka qaataan hadalkii Madaxweynaha Maraykanka ee qudus ugu tilmaamay Caasimadda Israel.

“Soomaaliya iyo Muslimiinta marna gor gortan ka gali meyso lahaanshiyaha Qudus, Qudus waa magaalo ku taalo dhulka falastiin waana magaalo ay leeyihiin muslimiinta oo dhan mana loo dulqaadan doono muranka ka taagan Qudus” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Prof jawaari ayaa sheegay in Maraykanka ay Sumcadiisa hoos u dhacday kalsoonidii lagu qabayna ay luntay, isagoo ugu baaqay Trump in uu go’aankaasi ka laabto.

Sidoo kale Jawaari ayaa arintaasi u xilsaaray Guddiga Arimaha dibadda ee Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliya si loo badbaadiyo Qudus.

hadlaka Guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya xili ay sii xumaaneyso Xiisadda Bariga dhexe ee salka ku heysa Arimaha Qudus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.