Shabaab oo gaadiid ku gubay Gobolka Hiiraan

Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Gobolka Hiiraan, waxa ay ku gubeen gaadiid u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Baledweyne, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Gobolkaasi.

Degaanka Maroodile ee Gobolka HIiraan ayeey ku gubeen Shabaab gaadiidkaan oo siday raashin, una socday meelo kala duwan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Bakool.

Gaadiidka ay gubeen Shabaab ayaa tiradooda wuxuu gaaraya illaa lix gaari oo kuwa xamuulka ah, sida uu Warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Baladweyne  Muxumed Cali Maxamuud.

Gaadiidleyda ka hawlgasha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo food saartay cabsi la xiriirta in gaadiidkooda ay gubaan Al Shabaab.

Ma jiro wax  war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan Gaadiidkaasi maamulka gobolka Hiiraan ay ku eedeeyeen in ay gubeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.