Puntland oo digniin ka soo saartay Hay’adaha fidiya warar la xiriira kufsiga

camey

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Xaji Cumar Camey oo la hadlay saxaafada  ayaa  hay’addaha uga digey inay abuuraan kiisas been abuur ah oo la xiriira tacadiyada ka dhanka ah ee ka dhaca Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.,kaasi oo la xiriiri Kufsiga.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay inay marar badan dhacday falal ama kiisas lasoo oogey kadib baaritaan lagu sameeyeyna Arintaasi ay been noqotay, taasina aysan u wanaagsanayn sumcadda dalka.

Waxa uu sheegay in wixii jira aan la qarin,haseyeeshee la doonayo mas’uuliyad in la iska saaro sidii sumcadda dalka loo dhowri lahaa loogana dheeraan lahaa falalka xaqiiqda ka baxsan.

Shalay ayay aheyd markii degaan Xeebeedka Garacad oo  ka tirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ee dhanka Puntland la sheegay in askar ka tirsan ciidanka Punland ay  kufsi wadareed u geysteen gabdho da’yar oo degan degaankaas.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in gabdhahan la kufsaday inay ahaayeen kuwa Dhimirka la’ ,Balse ciidamada la sheegay in kufsiga ay geysteen degaanka dhawaan halkaasi la geeyay,islamarkaana looga tala galay inay ka hortagaan weerar kasta oo ka yimaada Dagaalamayasha Al-Shabaab,Balse falkaasi ku dhaqaaqay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.