TOP News: 15Kambani oo Madaxweyne Farmaajo ka codsaday in ay Dalka maalgashi ku sameeyaan.

farmajo

Dowladda soomaaliya oo ku talaabsaneysay hormarro kala duwan tan iyo markii ay hogaanka dalka wareegeen team dhalinyaro ah oo daacad ay ka tahay Dowladnimada soomaaliya ayaa dalka u horseeday hormaro baaxad leh.

Shir dhawaan kadhacay magaalada Sharma alsheykh ee dalka masar kaasi oo ay kawada qeybgaleen hogaamiyayaasha afrika ayaa dowladda soomaaliya waxaa uga qebgalay Madaxweyne maxamed cabdulaahi farmaajo.

Ka qeybgalka shirka oo daarnaa sidii maalgashi loogu sameyn lahaa wadamada afrika iyo sidii ganacsiga dalalkaas loo kobcin lahaa kadib ayaa shirar gaar ah waxaa madaxweyne farmajo iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada ee dowladiisa ay shir gaar ah la yeesheen ganacsato maalgashi doon ah oo ay ka gadmatay siyaasadda dowladda soomaaliya.

In kabadan 15 shirkadood ayaa madaxweyne farmaajo dowladiisa weydiistay in lasiiyo fursado maalgashi oo ay dalka ku sameeyaan si ay uga qeyb qaataan xasilloni soo celinta ay ka hawlantahay Dowladda dhexe.

Madaxweynaha iyo wasiiradiisa ayaa aqbalay in kambaniyadaas ay dalka maalgashadaan si sare loogu qaado xasiloonida dalka iyagoo u balanqaaday in xarumo ay dagaan ay siin doonaan si ay ugu sahlanaato in guud ahaan gobolada dalka ay ka shaqeeyaan.

Sikastaba Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne maxamed farmaajo ayaa dalka u horseeday in ay indhaha caalamka kusoo jeediso nabad galyada iyo hormarka ay dalka iyo dadka soomaaliyeed u horseeday.

Dhawaan waxaan idiin la wadaagi doonaa  magacyada kambaniyada balanqaaday in ay dalka maalgashanayaan kuwaas oo ruqsad loo siiyay in ay soomaaliya ka hawl-gali karaan.

Guul Soomaaliya

Nabad iyo Nolol.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.