Maamulka G/Hiiraan oo qorsheynaya Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab kadib weerarada Al-Shabaab oo kordhay.

Guddoomiye ku xigeynka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobalka Hiiraan Xuseen Cusmaan Muumin ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Baledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan waxa uu kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Dagaalamayasha Al-Shabaab ay ku soo xoogeesteyn degmooyinka gobalka gaar ahaan duleedka magaalada Baledweyne ee xarunta gobalka saameyna ay ku yeesheen amaanka gobalka.

“Uma dulqaadan doono shabaabka ku soo badanaya gobalka iyo dhibaatooyinkii ka fuliyeen meelo ka mid ah degmooyinka gobalka gaar ahaan weerarkii ay shabaab ku qaadeyn ilaa shan gaadiid oo raashin ganacsi waday” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeynka gobalka ee amniga iyo siyaasadda.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay shalay gilinkii dambe ay Gubeyn ilaa shan gaadiid oo raashin ganacsi u waday degmooyinka Go’doonsan ee Gobalada Hiiraan iyo Bakool, sidoo kale Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday Ciidamo iyo mas’uuliyiin ka tirsan Gobalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.