Gar-soorka Goabalka Gedo iyo caqabadaha heesto hanaanka cadaaladda Gobalka W/Q Cali Somali

cali

Sideedaba umad cadaaladeeda waxaa saldhig u ah hadba sida garsoorkeedu yahay,hayada Garsoorkuna waa muraayada laga dheedo cadaaladda, nabadda sareenta sharciga iyo maamul-Wanaagga.

Nidaamka garsoorku ee maxkamadahu wuxuu Turjumaa sareenta sharcigga,maamul-wanaagga Habka garsoorku sidoo kale wuxuu ka qayb qaataa kala saarida qaybaha kale ee qaranka ee muran sharci soo dhexgalo.
Garsoor waa erey lammaan ah markii midba goonidiisa loo qeexo waxuu noqonayaa “Gar” oo ah Dood labbo qof si siman utabbinayaan iyo “ soor” oo ah dow, xaq, ama gar-naqsi.
Nidaamyada garsoorka casriga ah ee dunida laga raaco ayaa ah mid kala duwan sida garsoor Baahsan oo ah midka dalka faransiiska aabbo uyahay “dual justice sytem”,halka garsoor aruursan “ unified justce system”uu hormuud u yahay wadanka UK, iyo USA waana midka ka jiro soomaaliya.
Islaamka ayaa yaqaano hababka garsoorka casriga ah oo hadda la raaco, arrinkaa waxaa laga dheehan karaa axaadiis suubanaha laga wariyey iyo raad-raac laga heley saxaabaddii.
Lkn si toos ah waxuu udhaqan-galay hanaanka garsoorka casriga ah dowladdii islaamka ee reer Banii-ummaya hoggaanka uhaayeen, waxii ka danbeeyey wuu sii casriyoobaayey.
Haddaba sida uu Dastuurka Dalka uu ku xusay Q.108aad waxuu dalka yeelanayaa hanaan garsoor oo Leh heerar faderal ah iyo heer dowlad Goballeed.
Gobalka Gedo oo kamid ah dowlad Goballedka jubbland ahna midka ugu wayn baaxad ahaan, uguna Badan xagga Dagmooyinka ayaan ukuur gallay hanaanka cadaaladda ee ka jiro iyo caqabadaha ku Gedaamaan waxaana kusoo aruurinayaa qodobadaan.

Maamul la,aan dhanka garsoorka ah “ judicial administration”: ma jiro maamul maareeyaa hanaanka cadaaladda oo Maleh gobalka gudoomiye garsoor Gobbaleed,kaas oo qabto howlaha agaasinka cadaaladda.

Kama jiro garsoor rayid ah “ civil judiciary” si lamid ah maamulka gobalka-oon faallooyin kaga hadli doono- ma jiro garsoor rayid ah dhamaan waxa jiro maxkmado raacsan askarta “ military court” taas oo nidaamka casriga ah uusan ogaleen lkn dadka gobalka eey la aadan Waxii Dacwad ah.

Maleh xukunno mideesan maxkamadaha Gobalka: maadaamo uusan jirin nidaam kala Sareeyo oo maxkameed sida maxkamadda Dagmada, Gobalka, racfaanka IMW iyo Maxkamadda saro oonba wali jubbaland laga unkin, sidoo kale sharuuc qoran oo laraacayo waxaa adag in xukunno middeesan eey kasoo baxaan gobalka, arrintaa oo dhib ku ah in Racfaan laga qaato xukunkaas, ama la duro.

Ma jirto ikhtisaas maxkamadeed iyo sharci la raaco “ jurisdiction ”: sida nidaamka Casriga ah uu qabo maxkamad kasta waxay leedahay ikhtisaas ugaar ah, haddeey ka baxdana Waa la duri xukunkeeda, tusaale maxkmadda dagmada sida” XNG” uu qabo ma gali karto wax ka badan sadax kun oo shilin soomali ah, qiyaas ah 3000$ doolar oo hadda ah. Lkn Maxkamadaha dagmooyinka Gedo waxay gallaan dhamaan dacwadaha maamulka la xariiro, kuwa dhulalalka imw arrintaa waxay culees ku tahay garsoorka .

Dhaqaalo xumi heesato garsoorka Gobalka: dhibaatada heesato Garsoorka Gobalka waxaa Kamid ah dhaqaalo xumi, ma jirto wax mushaar ah ooy leeyihiin garsoorayaasha, istaaf, iyo Agab maxkmadeed. Garsuuruhu waxa uu qaataa mushaarka askarta caadiga ah marka eey Haleen un, maleh maxkamadaha kaaliyaal garsoore, iyo shaqaalihii loogu tallagalay, tababar Xirfadeed iyo aqoon korarsi.

Maamul xumada gobalka oo saameen kuleh garsoor: garsoorka oo aad uliito waxaa sameen Kuleh maamul xumada ka jirto Gobalka tin iyo dowladdii dhaxe, mana hellin wali maamul si Sax ah umaamulo, isku xirnaan la,aanta ka jirto Gobalka iyo Haay’adihii la shaqeenaayey Garsoorka oonba walli la unkin “ police, usluub, xeer ilaalin, wakiil gar-yaqaan” ayaa sameen Toos ah kuleh garsoorka.

Ugu danbayn Gobalka Gedo ooy dishay maamul xumo raagtay tin dowladdii dhaxe maleh Hanaanka Garsoor ee casri ah “ mandatory legal rule”, ilaaliyo xuquuqda asaasiga ah, taaba-Galiyo sareenta sharciga iyo cadaaladda bulsheedka, arrinkaa oo saldhig u ah maamul wanaagga, Maalgashiga iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha.
Maamulka gobalka, wasaaradda cadaaladda, Xildhibaanada Gobalka iyo cidii daneeneeso dib-Udhiska Gobalka waxaan usoo jeedinayaa in laga shaqeeyo sidii haay,adaha cadaaladda dib looga Yag-leeli lahaa.
W.q. Calis sheikh aadan yuusuf “ cali somali”
Fallanqeeyo arrimaha sharcigga iyo siyaasadda.
Baardheero-Gedo- Soomaaliya
Calisomali400@gmail.com.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.