Wasiirada arimaha Dibada ee Jaamacada Carabta oo Sheegay in Trum uu la saftay Israa’iil

Kulankan  deg deg ahaa oo ay isugu yimaadeen wasiirada Arimaha Dibada  22-ka dal ee ku mideysan Ururka Jaamacada Arabta ayaa waxa ay ugu gorfeeyeen Xiisada taagan ee Qudus oo noqotay hadal heynta ugu weyn Dunida,kadib markii trum uu sheegay inuu qudus u aqoonsaday Caasimada Israa’iil.

Madaxa ururka jaamacada Carabta Ahmed Abdal ghet ayaa waxaa uu sheegay in Go’aankii trumb uu yahay mid lid ku ah Sharciga caalamiga ah sidoo kalena uu yahay mid Su’aalo ka dhalinaya Kaalinta Mareykanka uu kulahaa xal u raadinta Dagaalka Israa’iil iyo Falastiin waxaana uu intaas ku daray xogyaha jaamacada carabta in mareykanka uu qeyb ka noqday Dagaalka lagula jiro Flastin oo uu la jirsaday IsRaail.

Dhamaan wasiirada Jaamacada carabta ee shirka ka dhacay dalka masar ka qeybgalay ayaa waxaa ay tilmaameen in aad looga xunyahay.

Wasiirada qaar ayaa isku raacay in la bilaawo Ka shaqeynta cunaqabateyn dhaqaale oo la saaro mareykanka.

Wali waxaa socda Jawaab centa caalamka ee ku aadan go’aankii trum

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.