Faahfaahino ka soo baxaya Dilal Qorsheysan oo xalay ka dhacay Muqdisho iyo degaanka ceelasha Biyaha

Warar dheeraad ayaa waxaa ay ka soo baxayaan dilal qorsheysan oo  xalay siyaabo kala duwan u kala dhacay Magaalada Muqdisho iyo Degaanka Ceelasha biyaha.
Dilka koowaad ayaa waxaa uu xalay ka dhacay Xaafada Siliga ameerikaanka ee Degmada Dharkenley,waxaana la sheegay in la dilay nin la sheegay inuu dadka degaanka kamid ahaa, islamarkaana Dilkiisa waxaa loo adeegsaday  Qori AK47, iyadoona la tilmaamay in meydkiisa la keenay xarunta Danbi baarista ee C.I.D,halkaasina lagu baarayo.
Ciidamada Amaanka ee Dowlada federaalka soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,inkastoo aysan gacanta ku soo dhigay askari dilka u geystay Qofka Shacabka ah.
Dhanka kale wararka aan ka helayno degaanka ceelasha biyaha ayaa sheegaya in Labo Wiil oo wada dhashay xalay  lagu dilay degaankaasi,iyadoona dilka ay fuliyeen kooxo hubeysan.
Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa mudooyinkii ugu dambeeyyay ku soo badanayay dilalka qorsheysan ee lala beegsanaya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.