Madaxweynaha Soomaaliya oo saakay dib ugu soo laabtay Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu shir uga qeybgalay magaalada Sharmal Sheekh ee dalka Masar.

Waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya,waxaana safarka madaxweynaha Soomaaliya ku wehliyay xubno katirsan Golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiirada.

Maxamed Cabdullaahi farmaajo  oo ka qeyb-galay Madasha Ganacsiga Afrika 2017 ee magaalada Sharma Sheekh ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo mideynta dadaallada iyo qorsheyaasha wadamada Afrika ee ku aaddan maal-gashiga iyo kor u qaadista iskaashiga ganacsiga.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo oo maalmo ka hor hadal ka jeediyay shirka ayaa  waxa uu madasha ku soo bandhigay khayraadka ay hodonka ku tahay Soomaaliya, fursadaha maal gashi iyo kaalinta ay ka qaadan karto suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika ay qorshaynayso in dhidibada loo taago.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa wado dadaalo lagu hormarinayo Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.