Wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye oo xiran

Waxaa saaka gabi ahaanba xiran wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, kadib markii shalay halkaasi la soo dhigay Isbaarooyin cusub oo gaadiidka lacago looga qaado.

Wadayaasha gaadiidka oo soo dhigtay Baabuurtooda meelo kala duwan, ayaa wadada laamiga ah waxa ay ka dhigayaan Banaanbax cabasho ah oo ku aadan jidgooyooyinka cusub ee wadada la soo dhigay.

Qaar ka mid ah dadkii ku soo lugeeyay wadada ayaa waxa ay sheegeen inuusan jirin wax gaadiid ah oo wadada maraayo, sababo ku aadan dadka oo wadada xiray.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dadka shacabka ah iyo wadayaasha gaadiidka ay diideen gaadiidka inay wadada maraan, waxaana ay ku dhawaaqayaan hadalo ka dhan ah isbaarooyinka cusub ee halkaasi la soo dhigay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.