Haweenay ka tirsaneed Shaqaalaha Safaarada mareykanka ee Soomaaliya oo iscasishay

Elizebeth Schockefford  Oo aheyd Safiirkii Mareykanka u fadhisay Somaliya Ayaa iska casishay Shaqadii Ay Kawaday Somaliya oo  Mudo Yar Ay ka howgalaysay Xafiiskaasi.

Elizebeth Schockeford Oo Fadhigeedu Ahaa Magaalada Nairobi Ayaa Warqad ay ku dalbaneyso inay joojiso shaqadeeda ay u dirtay Xoghayaha Arimaha Dibada Dalka Mareykanka, Waxayna Sheegtay inay Shaqadeedu Ay ujoojineyso Dhibaato kasoo Wajahday siyaasada Dibada Ee Mareykanka.

Shaqaalaha ka tirsan Howgalka Mareykanka Ayaa Marar badan Weydiistay Washiton Inay Ogolaasho u helaan Inay La kulmaan Hogaamiyaasha Siyaasada  Somaliya,Laakiin Wasaarada Arimaha Dibada Mareykanka Ayaa Diiday Codsiga sababo la xiriira dhanka Amniga.

Saraakiisha Militeriga Mareykanka Ayaa Awood  u leh in ay La kulmaan madaxda Somaliya

Bishii October ee Sanadkan waxaa isna xilka danjiraya Mareykanka ee Soomaaliya iska casilay Stephen Schwartz,kaas oo is casilaaddiisa ku sheegay mid shaqsiyadeed.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibada mareykanka,kaasi oo ku aadan inay ku xaqiijinayaan,wararka sheegaya inay iscasishay haweenaydan ka tirsan shaqaalaha mareykanka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.