Maamulka Hirshabelle oo Sheegay in Ahlusuna ay ku heshiiyeen in Xubno ay ku yeelato Maamulkaasi

  1. Wasiirka Bay’ada Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdi Kariin Nuur Xasan oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu ka hadlay heshiiis la sheegay inay wada gaareen Xubno ka socda Ahlusuna iyo Maamulka hirshabelle.

Sidoo kale Wasiirka Waxaa uu sheegay in waxyaabaha Madaxda ay ka hadleen islamarkaana Ku heshiiyeen ay Ku jirto in Ahlusunna ay  Hirshabelle Xubno ku yeelato iyo Laga Shaqeeyo hormarinta degmada Matabaan oo qeybo ka mid ah ay maamulaan Ahusuna waljamaaca.

Ma jirto Ilaa iyo Hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Ahlusuna Waljamaaca,kaasi oo ku aadan inay faahfaahin ay ka bixiyaan heshiiskan la Sheegay inay wada gaareen Labada Maamul.

Dhawaan ayay aheyd Markii  Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna ay heshiis Taariikhi ah ku gaareen Maamulada Ahlusuna iyo Galmudug,iyadoona heshiiskaasi ay goobjoog ka ahaayeen Madaxda ugu sareysa ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Maamulka Ahlusuna ayaa waxaa uu wadaa Dadaalo  ku aadan in Xubno ay ku yeesheen Maamulka Hirshabelle,inkastoo Weli Madaxweynaha Maamulka hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uusan ka hadlay Heshiiskan la Tilmaamayo inay gaareen Ahlusuna iyo Hishabelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.