Ciidamo ka tirsan Puntland oo la Sheegay inay gabdho ku kufsadeen degaanka garacad ee gobalka mudug.

Wararka ka imaanaya degaan Xeebeedka Garacad oo  ka tirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ee dhanka Puntland ,ayaa waxaa ay Sheegayaan in askar ka tirsan ciidanka Punland ay  kufsi wadareed u geysteen gabdho da’yar oo degan degaanka sida ay sheegeen dadka degaanka.

Sidoo kale waxaa la tilmaamay in gabdhahan la kufsaday inay ahaayeen kuwa Dhimirka la’ ,Balse ciidamada la sheegay in kufsiga ay geysteen degaanka dhawaan halkaasi la geeyay,islamarkaana looga tala galay inay ka hortagaan weerar kasta oo ka yimaada Dagaalamayasha Al-Shabaab,Balse falkaasi ku dhaqaaqay.

Ilo Wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warbaahinta in la xiray ciidamadii kufsiga ka geystay degaan xeebeedka garacad ee gobalka mudug.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Amaanka ee Puntland,kaasi oo ku aadan inay faahfaahin ka bixiyaan  kufsi la sheegay in askar ka tirsan Puntland oo fariisamo ku leh degaan xeebeedka garacad ee gobalka mudug.

Hayeeshee Dhawaan ayay aheyd markii askari ka tirsan ciidanka Puntland uu gabar dhalin yaro ah,ku dhaawacay magaalada boosaaso,xilli uu doonayay inuu kufsi u geysto.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu sheegay in maxkamad la soo taagi doono askarta ka tirsan puntland ee ku dhaqaaqa falalka la xiriira kufsiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.