War deg deg:Ciidamo ka wada tirsan Militiriga iyo Nabad sugida oo ku dagaalaamay isgooska Tarabuunka

deg

Iska horimaad u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ku dhexmaray isgooska Tarabuunka ee degmada hodan ee gobalka banaadir.

Waxaa uuna iska horimaadka  uu yimid kadib markii ay ciidanka xasilinta caasimada ay qabteen labo nin oo militiri ah,iyadoo ciidamo kale oo militiri ah ay u soo gurmadeen,labada askari ee la qabtay,sidaasina uu dagaalka ku dhexmaray labada ciidan.

Inta la Xaqoojiyay waxaa iska horimaadka ku dhintay 1 gabar oo la sheegay in goobta ay shaah ku iibinaysay,Waxaana sidoo kale ku dhaawacmay  labo askari oo kawada tirsan Militiri iyo Nabad sugida

Goobjoogayaal ku sugan Isgooska Tarabuunka  ayaa sheegaya in ay arkayeen ciidamo ka tirsan militiri iyo nabad sugada oo ku dagaalamaya isgooska Tarabuunka,islamarkaana waxaa ay sheegeen inay cabsi soo wajahday dad ka agdhow goobta uu iska horimaadka ka dhacay,isagoona sheegay in khasaari uu soo gaaray dhinacyadii ku dagaalamay isgooska.

Ma jiraan ilaa iyo wax war oo ka soo baxay Maamulka Degmada hodan ee gobalka Banaadir iyo saraakiisha Ciidamada Amniga,kaasi oo ku aadan inay ka warbixiyeen iska horimaadka maanta ku dhexmaray ciidamo kala tirsan militiri iyo Nabad sugid.

Shalay ayay aheyd markii ciidamo ka wada tirsan Dowlada soomaaliya ay ku dagaaleen Isgooska tarabuunka ee Degmada Hodan,kaasi oo salka ku haya dhul ku yaala nawaaxiga isgoooska Tarabunka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.