Daawo:Wasarada gaadiidka hawada ku hawlan Sidi loo soo Celin lahaa Somali Airline

Kulankaan ayaa looga hadlayey sidii dib loogu soo celin lahaa Shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airline ayaa waxaa lagu qabtay Muqdisho waxaana ka qeyb galay masuuliyiinta wasaaradda oo ay kamid yihiin wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda C/raxmaan Xersi Kulmiye, xubno kasocday Guddiga Gaadiidka ee Baarlamaanka iyo qaar kamid ah shaqaalihii shirkadda Diyaaradaha Soomaali Airline.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa mudo dheer soo waday qorshaha la doonayo in dib loogu soo celiyo shirkaddii Diyaaradaha Somali Airline, iyada oo sameysay wadatashiyo iyo shirar kala duwan oo arintaasi looga hadlayo.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.