Xildhibaanada Galmudug ka soo hor jeestay Heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug

Qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo warbaahinta la hadlay kadib markii la soo saaray Qodobada dhowrka ah ee Ay Galmudug iyo Ahlusuna ku heshiiyeen ayaa waxaa ay sheegeen in heshiiskaasi uusan ahayn mid dhaqan galaya oo aan loo marin wadadii saxda ahayd.

Xildhibaanada Galmudug waxaa ay Tilmaameen in Xubnaha Baarlamaanka Maamulkaasi aan lagala tashan islamarkaana aysan Iyagu taageersaneyn sida ay hadalka u dhigeen.

Hadalka xildhibaanadan Ayaa noqonaya mid yimid kadib Heshiis Dhameystiran oo ay Gaareen Galmudug iyo Ahlusuna oo lagu dhameystiray Madaxtooyada Somalia iyadoo Madaxweynaha Somalia Farmaajo uu sheegay In loo Baahanyahay In aan Laga Hor Imaan Heshiiskaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.