Shariif Xasan oo amray in la dayactiro saldhiga Afgooye

shariif

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa amar ku bixiyay in dib u dayactir lagu sameeyo goobaha muhiimka ah ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ka dalbaday in ay kordhiyaan Canshuuraha ay ka qaadaan shacabka Gobolka, si dayactir iyo dib u dhis loogu sameeyo, meelaha muhiimka ah ee Gobolka, sida wadooyinka, iyo xarumaha Maamulka.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si gaar ah u dalbaday in dib u dhis lagu sameeyo saldhiga Ciidanka Booliska degmada Afgooye, oo howlo badan ay ka socdaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali (Najax) ayaa shalay kormeer ku tagay degmada Afgooye, wuxuuna sheegay in la dardar gelinayo canshuuraha si loo fuliyo amarka uu soo bixiyay Shariif Xasan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.