Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulan

barlamanka

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa wuxuu ajandihiisa uu yahay Akhrinta iyo qaybinta qorshe howleedka Guddiyadda Golaha Shacabka, sida xalay lagu soo wargeliyay xubnaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa shir guddoomin kulanka xildhibaanada Baarlamaanka ee maanta.
Shalay magaalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka, waxaana la iskula gartay sidii ajendayaal Kooban loogu koobi lahaa kalfadhigan, maadaama howlo badan ay yaalaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.