Nin Da’ahaa oo xalay lagu dilay Baraawe

Laba dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay fiidkii waxa ay xaafad ka tirsan degmada Baraawe ku dileen Nin Da’ahaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sayidnaa Xaajow Muukow oo caan ka ahaa Magaalada gaar ahaan xaafadii uu deganaa ee Saqaawu-diin.

Kooxda dilka geysatay ayaa waxa ay Marxuum Sayidnaa u dileen si farsameysan, kadib markii ay isaga dhigeen dhigeen dhalinyaro kubad cayaareysa, kadibna markii Masjidka uu ka soo baxay oo inyar uu soo socday ay Rasaas hubiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose oo Risaala la hadlay ayaa sheegay ninka la dilay in horey uu u ahaa Janan ka tirsanaa Dowladdii Dhexe, hadana uu ahaa howlgab, oo 91-dii ay ugu dambeysay siyaasad.
Wuxuu sheegay Gudoomiye C/fataax dilka Marxuum Sayidnaa in ay ka dambeeyaan ururka Al-shabaab, hadana Ciidamada ay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay falkaasi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.