Ciidamadda Amaanka oo Howl galo ka dhan ah Al-shabaab xalay ka Sameeyay Baladweeyne

Maxamed Cali maxamuud gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Magaalada Baladweeyne oo la hadlay Idaacada Kulmiye  ayaa waxaa uu ka warbixiyay howlgalo baaritaano ah oo Ciidamada Amaanka ka sameeyeen Magaaladaasi.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ka baxsaday koonfur Soomaaliya ay tageen Baladweeyne sidaasi aawgeedna uu Maamulka Magaalada Bilaabay Howlgalo lagu Baadi goobayo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab,  waxuuna uu intaasi ku daray in Afarta Xaafad ee ay Baladweeyne ka kooban tahay Ay ka sameeyeen Baaritaano lana sii wadi doono sida uu hadalka u dhigay.
Magaalada Baladweeyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamul goboleedka Hirshabeele Ayaa mudooyinkii Danbe waxaa deegaano hoostaga magaalada laga soo sheegayay in ay gaareen Dagaal yahano ka tirsan Shabaab oo ka baxay shabeelaha hoose iyadoo Ay sidoo kale jirtay in Dagaal yahanada Uruka Shabaab ay weerar ku qaadeen Deegaanada u dhaw dhaw Beledweyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.