Garabkii hore ee Ahlusuna oo ka horyimid heshiiskii ay wada gaareen maamulada galmudug iyo Ahlusuna.

xaaf

Kadib Markii dhawaan heshiis ay Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti ku gaareen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa arintan waxaa ka horyimid garabkii hore Ahlusuna ee heshiis horey ula galay Maamulka Galmudug.
Sheekh Cumar Sheekh C.qadir Guddoomiyaha Golaha Talada  Ex Maamulkii Ahlusunna oo la hadlay Idaacadda kulmiye ayaa waxaa uu sheegay inay ka soo horjeedaan heshiiskii ay wada gaareen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale geelle xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir.
Waxaa uuna tilmaamay heshiiskaasi uu ahaa mid sharci daro ah,islamarkaana waxaa la weydiiyay sheekha halka ay haatan ka taliyaan garabka uu sheikh Cumar u hadlayo waxaa uuna sheegay in deegaano badan ka tirsan Gobalka Galgaduud ay iyagu maamulaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.