Saraakiisha ciidamada xoogga oo howlgalo ka dhan Shabaab ka bilaabay gobalka gedo.

Taliyaha Ururka 49aad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya Faarax Maxamed Turbac oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa waxaa uu Sheegay in Ciidamada Xoogga ay howlgalo ka dhan ah Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka bilaabeen Deegaano ka tirsan gobalka gedo.

Sidoo kale Waxaa uu tilmaamay in haatan Ay qorsheeyeen sidii Al-Shabaab ay ugu saari lahaayeen Deegaanada ay gaareen Dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa Sheegay Ciidamada Xooga isku diyaarinayaan inay ka hortagaan Shabaabka ka soo baxsanaya Duqeymaha ay fulinayaan Diyaaradaha mareykanka ee ka soo cararaya qaar ka mid ah gobalada dalka.

Hadalka taliyaha ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili Mudooyinkii dambe ay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ka baxsanayaan Duqeymaha ay fulinayaan Diyaaradaha Mareykanka,iyadoona dhawaan la sheegay in Shabaab badan ay galeen Deegaano ka tirsan gobalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.