Soomaalida Mareykanka oo dhigay Banaanbax

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka waxaa ka dhacay Banaanbax looga soo horjeedo go’aankii Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ay ku meel marisay amaradii Madaxweyne Donald Trump, ee mamnuucayay in Mareykanka ay galaan dad ka soo jeeda Sideed wadan oo ay ku jirto Soomaaliya.

Banaanbaxayaasha oo u badnaa Soomaali ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan go’aanka Maxkamadda, waxayna tilmaameen in dhammaantood ay yihiin dad isku fikir ah.

Waxa ay sheegeen Banaanbaxayaasha in Banaanbaxyadooda aysan joogsan doonin ilaa arrintan xal loo helo, iyaga oo baaq u diray Hoggaamiyeyaasha ururada ka jira Mareykanka, si Banaanbaxa loo xoojiyo.
Go’aanka ayaa ku soo beegmaya iyada oo Maxkamadaha hoose ee Gobolada qaarkood ay ka soo horjeesteen amarka xayiraadda ee Madaxweyne Trump, amarkan ayaa saameynaya dalalka ay ka imaanayaan dadka oo ku dhawaad Sideed dal ah.

Dalalkan oo Lix ka mid ah ay yihiin muslimiin ayaa waxa ay kala yihiin Iran, Liibiya, Suuriya, Yemen, Soomaaliya, Waqooyiga Kuuriya, Chad iyo Venezuela.

Maxkamadda Sare ee dalka Mareykanka ayaa shalay oo Talaado aheyd ku dhawaaqday in sharci uu yahay go’aankii xayiraadda dhinaca socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump uu saaray wadamadan aan kor ku soo sheegnay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.