Hogaamiyaasha Carabta oo Trump uga digay in Qudus ay caasimad u noqoto Israel

Aqalka cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Trump uu ka hadli doono Arbacada go’aankiisa ku aadan in safaarada Mareykanka ee Israil loo raro Qudus iyada oo ay soo wajaheyso dhaleeceyn caalami ah oo sii kordheyso.
Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegtay in madaxweyne Trump Uu aad ugu adkaa fikirkiisa arrintaan ku saabsan.
Tiro hoggaamiyeyaasha Carabta ah ayaa dhammaan madaxweyne Trump uga digay si toos ah wax ay u arkaan cawaaqib xummo ka dhalata tallaabadan.
Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordugan ayaa si kulul uga digay Trump cawaqib xumida ka dhalankarta hadii uu Qudus caasimada Israel u aqoonsado waxana uu wacad ku maray inay xirirka u jari doonan Israel.
Boqor Salmaan-ka Sucudi Carabiya ayaa u sheegay Trump in tallaaba noocaan ah o la qaado ka hor inta aan laga gaarin heshiis nabadeed oo kama dambeys ah arrintaan ay dhalin karto falcelin ka timaada muslimiinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.