Madaxda Dowladda Federaalka oo ka qeyb galaya Heshiis Madaxtooyada ku dhexmari doona Galmudug iyo Ahlusunna

Wararka ay aan helayno ayaa sheegaya in Galabta Madaxtooyada Soomaaliya ay ka dhici doonto Munaasabad lagu dhameystirayo Heshiiskii Maalmo ka hor Magaalada Jabuuti ay ku gaareen Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.
Madaxweynaha Galmudug,Kuxigeenkiisa,Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Xubno isugu jira Wasiirro iyon Xildhibaanno Galmudug ah ayaa la sheegay in ay ka qeyb galayaan Xafladda lagu dhameystirayo Heshiiskii hor-dhaca ahaa ee Dalka Jabuuti ay ku gaareen Ahlusunna iyo Galmudug.
Dhanka Ahlusunna ayaa la sheegay in Munaasabaddaas ay uga qeyb geli doonaan Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna iyo Hogaamiyaha Guud ee Maamulkaasi Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Xafladda ka dhici doonta Galabta Madaxtooyada Soomaaliya ay Goobjoog ka noqon doonaan Madaxweynaha Soomaaliya,Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Xafladda lagu qabanayo Madaxtooyada Soomaaliya ay tahay mid lagu dhameystirayo Heshiiskii hor-dhaca ahaa ee Galmudug iyo Ahlusunna ay ku soo kala Saxiixdeen Wadanka Jabuuti.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadal kooban ka jeediyay Heshiiskii ka dhacay Dalka Jabuuti ayaa sheegay in Heshiiska inta dhiman ay ku dhameystiran doonaan Caasimadda Maamulka Galmudug oo ah Dhuusamareeb,balse hadda ay Maamusho Ahlusunna.
Galmudug iyo Ahlusunna oo Muddo badan uu Khilaaf u dhexeeyay ayaa hadda waxaa Labada Maamul ay ku heshiiyeen in ay sameystaan Maamul ay ku Mideysan yihiin si Meesha looga saaro kala Qob-qobnaanta jirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.