Faah-faahin Sargaal ka tirsan Ciidamada Puntland oo lagu dilay Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Alle ha u Naxariistee waxaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug lagu dilay Sargaal ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland oo lagu Magacaabo Cali Ibraahim Cali (( Cali Magafe)waxaana uu ahaa Taliyihii Saldhigga Suuqa Magaalada Gaalkacyo.
Cali Ibraahim Cali (( Cali Magafe) ayaa Gaarigiisa loogu Xiray Qarax,waxaana Sarakiisha Ciidamada Puntland ee Gobolka Mudug ay Xaqiijiyeen in Marxuunka uu u dhintay Dhaawac ka soo gaaray Qaraxa loogu xiray Gaariga.
Ciidamada Puntland ayaa Maanta Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ka wada Baaritaano Xoog leh oo ay ku baadi goobayaan Dadkii ka dambeeyay Qaraxa lagu dilay Sargaalka ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland.
Dhowr jeer ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay Qaraxyo lagu Qaarajiyay Saraakiil iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Gobolleedka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.