Dhageyso:Puntland oo sheegtay in Itoobiya ay boobtay Degaanno ka tirsan Gobolka Mudug.

puntland

Dowlada Itoobiya ayaa Boob ku haysa dhulka Soomaliyeed tan iyo intii ay dhacaday Dowlada Soomaliya, Maamulka Puntland Gaar ahaan kan gobolka Mudug ayaa sheegay Ciidamada Itoobiya ay la Wareegeen Degaanno ka tirsan Gobolka Mudug oo Xilligii Dowladdii dhexe ee uu hogaaminaayey allaha Unaxariistee Maxamed Siyaas Barre ay joogi jireen Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland Maxamuud Yaasiin Tumeey ayaa sheegay in Degaanka Beer-dhagaxtuur  Puntland ay dooneysay in ay ka dhagax-dhigto Ceel-biyood ay ka horjoogsadeen Ciidamo Itoobiyaana, waxaana uu xusay Duqa Degmada Gaalkacyo in Itoobiya at tiri dhulkaan waa Dhul Itoobiya, waxuuna intaas ku daray in Ciidamada Itoobiya ay horay ula Wareegeen Degaanka lagu Magacaabo Dogob oo Magaalada Gaalkacyo ujirta 15 KM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.