SAWIRRO: Dhaqdhaqaaq Ciidan oo ka socda Gedo

Sida uu sheegay Taliyaha Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Ismaaciil Saxardiid, ciidamada dowladda ayaa waxa ay dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabeen degaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii sida la sheegay Saraakiil ka tirsan Shabaab lagu arkay degaano ka tirsan Gobolka Gedo, ciidamadana ay bilaabeen baadigoobka ku aadan xubnahaasi.

Jeneraal Saxardiid, ayaa wuxuu sheegay ciidamada dowladda inay ku wajahan yihiin degaanada laga sheegay Saraakiisha Shabaabka, isaga oo intaasi raaciyay duqeymaha Mareykanka oo kordhay inay sababtay firxad xubno badan oo Shabaab ka tirsan.
Ciidamada Gobolka Gedo ku sugan iyo ciidanka jooga Jubbooyinka ayuu sheegay inay labada dhinacba wadaan dhaqdhaqaaqa ku aadan baadigoobka xubnahan Shabaabka ka tirsan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa warar soo baxay waxa ay sheegayeen xubno Shabaab ka tirsan oo Saraakiil ah in lagu arkay degaano iyo Degmooyin ka mid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeymaha Mareykanka iyo diyaaradaha Kenya ay ka gaysanayaan Gobolada Jubbooyinka Iyo Gedo ayaa sii xoogeystay kadib markii Madaxweynaha Mareykanka uu amray in la kordhiyo duqeymaha Shabaab iyo Daacish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.