Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta kulan yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda Magaalada Muqdisho, sida xalay lagu soo wargeliyay Mudanayaasha Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa waxa ay ansixin doonaan Xubin Cusub oo ka mid noqotay Guddiga madaxa banaan ee hirgelinta Dastuurka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa loo qeybin doonaa Warbixinta wax ka badalka xeer hoosaadka golaha Shacabka.

Marka loo qeybiyo kadib ayaa Xildhibaanada waxa ay dood ka yeelan doonaan qodobada wax laga badalay iyo kuwa cusub ee lagu soo kordhiyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Qodobada ku jira xeer hoosaadka oo ay si gaar ah xildhibaanada ugu doodayaan waxaa ka mid ah qodobka ka hadlaya soo xaadirista fadhiyada Xildhibaanada golaha shacabka iyo maqnaashahaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.