Shir looga hadlayo Amniga Qaranka oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shir weyne looga hadlaayo Amniga Qaranka ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha, Madaxda Maamul Gobaleedyada, Saraakiil Ciidan iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.
Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda Soomaaliya waxaana laga soo saari doonaa qodobo wadajir ah oo amaanka ku saabsan sida ay noo sheegeyn qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha Shirkaasi.
Xubno ka mid ah Saraakiisha ka qeyb galaya ayaa sheegay in shirkaan uu daba joogo Shirkii ka dhacay London ee arimaha Soomaaliya qodobadii ka quseeyay amaanka Soomaaliya, waxaana laga eegi doonaa waxyaabihii ka dhaqan galay iyo kuwa aan dhaqan galin Caqabadaha ku hor gudban.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.