Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Degmada Qoryooley

Wararka naga soo gaarayo degmada Qoryooley ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeyn Ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa midowga Africa ee AMISOM.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo mashalaay oo ka tirsan degmada Qoryooley ee Shabeelaha Hoose waxaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiisha Ciidanka Soomaaliya ee ku sugan degmada Qoryooley oo aan la xariirnay ayaa sheegay in uu jiro weerarkaasi Khasaarana ay gaarsiiyeen Dagaalamayaasha Al-Shabaab, saraakiisha ma sheegin tirada dhimashada inta ay gaarsiisan tahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.