Meydka qof shacab ah oo saakay lagu arkay M/ Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaarayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ay soo sheegayaan in saakay meydka qof shacab ah lagu arkay Suuqa magaalada Gaalkacyo oo ay dhawaan ku dagaalamayn maleeshiyo ka soo kala jeedo Maamulada Galmudug iyo Puntland.
dad goobjoogayaal  ayaa  sheegayo in qofka la dilay uu ahaa qof xamaali ka ah Suuqa Gaalkacyo waxaana lagu dilay meel u dhaw halkii ay dhawaan ku dagaalameyn Labada dhinac.
Saraakiisha maamulada Galmudug iyo Puntland oo aan la xariirnay si aan wax uga weydiino dilkaan ayaa wali helin waxaana siyaabo kala duwan ay u micneyay dadka deegaanka.
Gaalkacyo ayaa wali wajaheyso dagaal iyo dilal qorsheysan oo aan wali xal laga gaarin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.