Duqa Muqdisho “Talaabo ayaa laga qaadaa cidii lagu helo Musuq Maasuq”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay si adag ula dagaalamayaan musuq maasuqa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in Xafiisyada maamulka gobolka Banaadir arrimo la xiriiro musuq maasuq iyo cadaalad daro.

Guddoomiye Thaabid ayaa xusay in uu talaabo sharci ah ka qaadayo cid walbo oo lagu helo kiis la xiriiro musuq maasuq.

Waxa uu shacabka Muqdisho ugu baaqay iney la soo xiriiraan hadii ay la kulmaan musuq maasuq soona wacaan sida uu sheegay telefoonada gaarka ah ee loo diyaariyay la dagaalanka musuq maasuqa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa shalay si rasmi ah xariga ugu jaray qeybta Adeegga Bulshada oo nidmaamka casriga ah loogu adeegidoono shacabka Muqdisho sida uu sheegay Guddoomiye Thaabid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.