Qarax Gaari oo ka dhacay Xarunta Vila Baydhabo Ee Magaalada Muqdisho

Wararka aan ka helnay Xarunta Vila Baydhabo Ee Magaalada Muqdisho oo Fariisin u ah Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Goor Dhow uu ka dhacay Qarax Gaari,waxaana la sheegay in Qaraxu uu ka dhacay Gudaha xarunta Vila Baydhabo.

Qaraxa ayaa la soo Warinayaa inuu ahaa mid lagu xiray Gaari uu watay Sargaal ka tirsan Ciidamada Milatariga Soomaaliya,iyadoo la sheegay in Gaarigu uu Qarxay ka dib markii Sargaalkii watay uu ka dagay Gudaha Xarunta Vila Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka yar yar ee ay wataan Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ah kuwo aan Baaritaan lagu sameyn markii ay gelayaan Gudaha Xarunta,waana Sababta keentay in Gaari lagu soo xiray Waxyaabaha Qarxa uu ku dhex Qarxo Gudaha Xarunta Vila Baydhabo ee Magaalada Muqdisho.

Hayeeshee ma jirto sida laga soo xigtay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Vila-baydhabo wax Khasaaro ah oo uu geystay Gaariga Qarxay marka laga reebo Burburka soo gaaray Gaarigii lagu xiray Qaraxa ee uu lahaa Sargaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.