Hay’adda WHO oo Dalbatay Malaayiin Dollar si wax looga qabto Xaaladda Caafimaad daro ee ka jirta Soomaaliya

Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegtay in ay Heeysato Gaabis dhaqaale islamarkaana ay u baahantahay 5 Million oo Dollar si ay wax uga Qabato Xaaladda Caafimaad ee Soomaaliya.
Hay’adda ayaa  War ay soosaartay Waxaa ay ku sheegtay in Lacagtaasi ay ka caawin doonto kordhinta Awoodda Qaranka ee Maareeynta Cuduradda sida deg-degga ah ku faafi kara.
“ WHO wxay wadi doontaa Taageeradda Saanadeed iyo midda la talinta ay ee ay Siineeyso Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya si looga si looga hortago Cuduradda la kala qaado iyo caqabadaha Caafimaad ee Dadka Soomaaliyeed horyaalla” ayuu yiri Wakiil ka WHO ee Soomaaliya Ghulam Popal.
Wuxuu sheegay in Xiriir Fiican iyo iskaashi uu udhexeeyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo heey’adda Caafimaadka Aduunka
Sida ay Heey’addu sheegtay in ka badan 800 Shaqaale Caafimaad ah ayaa helay Tabar la xiriira Mareeynta Cudurka Shuban Biyood iyo Daacuunka.
Intii u dhexeeysay Bishii January ee Sanadkaan iyo Bishaan December 78,596 kiis oo Shuban biyood iyo Daacuun isgu jira ayaa la diiwaan galiyay 1159 Qof ayaana u dhintay cuduraddaas, waxaa kiisaskaas laga Diiwaan galiyay 55 degmo oo dalka ka Tirsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.