Sawiro”Madaxweyne Farmaajo oo furay Shirka Amniga Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa furay Shirka Amniga Qaranka.

Madaxweynaha oo halkaasi ka jeediyay khudbad waxaa uu ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale xasilinta Amniga Soomaaliya.

Shirkaan oo uu shir guddoominaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed (Farmaajo) ayaa waxaa ka qeyb gelaya, Madaxda Dowlad Goboleedyada, xubno ka socda Beesha Caalamka, Taliyeyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan ayaa daba socda Shirkii Bishii May ka dhacay Magaalada London ee looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya.

Shalay magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagu gorfeeyey xaaladda amni ee dalka, xoojinta wada shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.