Maxkamad ku taalla Kenya oo 30 sano oo xabsi ah ku xukuntay Muwaadin Soomaaliyeed.

Ciidamadda Amaanka Kenya ayaa Cabdiraxman Cabdi Taakoow waxa ay Qabteen 14 kii September ee Sanadkaan isagoo indhaha ku haya Duleelo uu lahaa Xabsi ku yaalla  Magaaladda Mandera, si uu u ogoodo Xaaladda Xabsiga hase haatee Ciidamadda ayaa arkay oo xabsiga dhigay sida uu wariyay the Nation.
Kadib labo bilood oo ay socotay Su’aalo weeydiin iyo Hanaan baaris ahaa ayaa maxkamad waxay caddeeysay in Cabdiraxmaan Cabdi uu ahaa Basaas ka tirsan Al-shabaab oo doorkiisu ahaa in uu indho-indheeyo Xarunta Booliiska, Xabsiga iyo Xarun Military oo ay Al-shabaab Weerar la Damacsanaayeen.
Maxkamadda ayaa Cabdi raxmaan Taakoow ku xukuntay 30 sano oo xabsi ah Arbacadii lasoo dhaafay.
Maxkamadda gudaheeda waa uu diiday in uu shaago Weeradda Al-shabaab ay Qorsheeyeen in ay ku qaadaan Ciidamadda Kenya iyo meelaha ay la damacsanyihiin, wuxuuna ku gaabsaday in uu sheego xog ku sababsan Al-shabaab.
Wargeyska Daily nation ayaa daabacay in Cabdiraxmaan Taakoow uu Magaaladda Muqdisho ka Tagay Sadax Maalmood ka hor markii ay Ciidamadda Kenya Xireen si uu usoo gutto shaqo Basaasnimo ah oo uu Al-shabaab u qaabilsanaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.