Kenya oo laga sugaayo 18 ka Bishaan in ay gudbiso jawaabto Dacwadda muranka Badda ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa wadda Qorshe ay dooneeyso inay ku buuxiyo Waqtii ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladu uqabatay in ay uga soo jawaabto Dacwadda muranka Badda ee Soomaaliya ay geeysay Maxkamadda.
Markii 2 dii Bishii February ee Sanadkaan ay Maxkamaddu xukmisay in ay awood u leedahay in ay Qaado Dacwadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, ayey maxkmaddu Kenya ku qabatay in 18 ka Bishaan December ay kusoo gudbiso Jawaabteeda.
Jawaabta Kenya waxaa ay ka koobnaan Doontaa Sadax qaybood oo kala ah, Xog rasmi ah oo dacwadda la xiriirta, Warixin ku sababsan Sharciga iyo ogolaanshaha Awoodda maxkasdda ee Dacwadaan.
“Jawaabta Kenya waxaan la diiwan galin doonaa ka hor 18 ka December” ayuu xeer ilaaliyaha Guud Kenya Githu Muigai u sheegay Wargeeyska Nation oo uu u waramay isagoo hadalkiisa raaciyay Jawaabto waa mid “aan la koobi Karin”.
Dowladda Soomaaliya ayaa Dacwadeeda waxaa ay Xareeysay 13 kii bishii July ee 2015 kii, Dacwaddasi oo dowladda Soomaaliya ay Maxkamadda kaga Codsatay in go’aan Maxkamadeed lagu shameeyo Muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.