SAWIRRO: Galmudug iyo Ahlsunna oo gaaray Heshiis horudhac ah

Dalka Jabuuti Goordhow waxaa heshiis horudhac ah ku gaaray maamulada Galmudug iyo Ahlusunna.

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta labada dhinac Heshiiskaan ayaa ka kooban dhowr qodob, waxaana lagu waddaa in si rasmi ah loo shaaciyo todobaadkaan Gudihiisa.

Laba dhinac ayaa imaan doona Magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmi doonaan Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya kadibna waxaa lagu dhawaaqi doono Heshiiska.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Risaala u xaqiijiyay in qodobaddii ay isku hayay labada dhinac badankood heshiis Horudhac ah laga gaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.