Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Kolanyo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo marayay Balcad.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Kolanyo Gaadiid ah oo marayay Inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar, waxaana la sheegaya in uu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Goob joogayaal ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in waqti kooban uu halkaasi dagaal ku dhaxmaray Labada dhinac, Ciidanka Dowladda ayaa iska difaacay weerarka ay ku soo qaadeyn dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta degmada oo aan la xariirnay ayaa sheegay in uu jiro weerarka balse aysan ogeyn inta uu la egyahay Khasaaraha markii ay ogaadaana ay warbaahinta Faah Faahin ka siin doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.