Dagaal ka soconaya Yamen oo dad ku dhinteen

Waxaa wali ka soconaya magaaalada caasimadda ah ee Sanca ee dalka Yamen, dagaalo u dhaxeeeya kooxaha falaagada Xuutiyiinta iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Yaman Cali Cabdalla Saalax.
Dagaaladan cusub ayaa waxaa ku dhintay tobanaan qof boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Iska hor imaadkan u dhaxeeyo xuutiyiinta ay barataareyso Iran iyo taageerayasha madaxweynihii hore ee Yamen Cali Cabdalla Saalax, ayaa bilowday maalintii Arbacada.
Labadan dhinac ayaa mid walba waxa uu doonayaa inuu gacanta ku dhigo goobo istaraatiiji ah sida dhismayaasha wasaaraddaha iyo madaarka caalamiga ah ee Sanca.
Illaa iyo haatan, labadan dhinac ayaa wali dagaal kula jira isbaheysiga uu hoggaaminayo Sucudi Carabiya oo si weyn u taageera xukuumadda Yamen ee dibad-jooga ah.
Dhanka kale, dowladda Sucudi Carabiya ayaa soo dhaweysay hadal kasoo yeeray Cali Cabdalla Saalax oo ah inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Isbaheysiga.
Basle Xuutiyiinta ayaa cambaareeyay hadalkaan uu ku dhawaaqay madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.