Al-shabaab oo sheegay in Labo Sargaal oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ay isu soo dhiibeen

War lagu Faafiyay Warbaahinta Internetka ee lagu Qoro Wararka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Shalay Gelinkii Dambe Magaalada Jilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe ay iska soo dhiibeen Labo Sargaal oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland.
Al-shabaab ayaa Magacyada Labada Nin ku kala sheegay Isaaq Ibraahim Gurbaaniyo oo ahaa Madaxii Saadka Ciidamada Jubbaland ee jooga Degaanka Buulo-gaduud sida ay hadalka u dhigeen iyo Xuseen Aadan Ibraahim oo asna kamida Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.
Al-shabaab ayaa Dhowr jeer Gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay Askar iyo Saraakiil ay sheegeen in ay ka soo goosteen Ciidamada Jubbaland.
Dhanka kale Jubbaland weli kama hadlin Warka ka soo baxay Al-shabaab ee ah in Laba Sargaal oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ay iska dhiibeen Magaalada Jilib

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.