Nin soo xirtay Indho-shareer oo Xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho

Wasiirka Amniga Gudaha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo xalay ka hadlayay Munaasabad Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre uu ku soo bandhigayay Waxqabadka Xukumaddiisa 8-dii Belood ay jirtay  ayaa ka hadlay Arrimo la xiriira Ammaanka.

Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in 54 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibeen Hay’adaha Amniga tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu dhacay Qaraxii Musiibadda ahaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho 14-kii Bishii October ee la soo dhaafay,iyadoo sidoo kale uu Tilmaamay in 63 kamida Al-shabaab lagu qabtay Howlgallo ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Degmooyin ka tirsan Gobollada Dalka.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Xukumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay Xalay gacanta ku dhigeen Nin watay Xijaab iyo Indho-shareer islamarkaana doonanay inuu Falal ammaan daro ka geysto Magaalada Muqdisho,balse ay Ciidamada Ammaanka gacanta ku dhigeen oo ay Xabsiga dhigeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Wasiirro ka tirsan Xukumaddiisa ayaa Xalay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay Waxqabadka Xukumadda Mudadii ay jirtay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.