Ciidamada Ammaanka Puntland oo Magaalada Garowe ku qabtay Dhalinyaro ka badan 20

garoowe

Wararka ka imaanaya Magaalada Garowe ee Caasimadda Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Puntland Howlgallo ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Garowe ay ku soo qab qabteen tiro Dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ku Howlanaayeen Falal Ammaan daro.

Taliyaha Saldhigga Booliska Magaalada Garowe Maxamuud Muuse Bile oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Puntland ay Garowe ku qabteen 20 Dhalinyaro ah oo Xilliyada habeenkii ah Dhac iyo Boob ka geysan jiray Xaafadaha Magaalada garowe ee Caasimadda Puntland.

Maxamuud Muuse Bile ayaa sidoo kale sheegay in Dhalinyaradaan la soo taagi doono Maxkamad islamarkaana lagu qaadi doono dambiyada ay galeen.

Ciidamada Puntland ayaa dhowr jeer Magaalada Garowe ku qabtay Dhalinyaro la sheegay in Falala ammaan daro ay ka geysan jireen Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.