Dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe oo la sheegay in 500 ay kor-u dhaafeen

Dhimashaddii ka dhalatay Weerarkii Gariga Xamuulka ah loo isticmaalay ee Muqdisho ka dhacay 14 kii October ayaa gaartay 512 Qof, sida ay Daabaceen Qaarka mid ah Warbaahinta Caalamiga ah oo soo xiganaya Guddigii Baarayay Musuubadda.

Tiradda Dhimashadda ayey Doladda Soomaaliya ku shegtay markii Hore 358 taasi oo ahayd Tiradii ugu badneeyd ee Mar qur ah ku dhimatay Hal weerar, Taariiqda Soomaliya.

Majirto Cid si rasmi ah u sheegatay Weerarkii 14 kii October hase ahaatee Masuuliyiinta Dowladda ayaa ku eedeeyay in ay fuliyeen Xarakadda Al-shabaab oo Weerarro ismiidaamin ah ku qaada Xarumaha Dowladda iyo Goobaha ay Dadku k badanyihiin.

VOA Africa ayaa  Daabacday in Warbixinta Gudiga ay dowladdu Heli doonto Todobaadkaan, Hase ahaate ilaa iyo hadda Majiro War rasmi ah oo ay Warbaahinta siiyeen Guddiga loo Xilsaaray Baarista muusiibadii Soobe.

Dowladda Soomaliya ayaa sheegtay in ay Weerarkii Soobe uga jawaabeeyso Guluf ay ku qaadeeyso Al-shabaab, inkastoo aysan Dowladdu wali si rasmi ah u bilabin Gulufkii ay Balanqqaaday, Hadana Taliska mareeykanka ee Qaaradda Africa ayaa Qaaday Duqaymo Adag oo uu la beegsaday Saldhigyo ay Al-shabaab ku leyihiin Koofurta Soomaaliya, Sidoo kale Mareeykanka aya  Weerarkii Soobe ka dib wuxuu markii u horeeysay Duqaymo la beegsaday Daacishta Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.