Guddiga Miisaaniyadda golaha Shacabka oo la tashanaya Shacabka

Guddiga Miisaaniyadda , Maaliyadda iyo qorsheynta ee golaha Shacabka ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku qabanaya Kulan dhageysi dadweyne ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Muqdisho.

Ujeedka kulanka ayaa ah sidii Guddiga Miisaaniyadda , Maaliyadda iyo qorsheynta ee golaha Shacabka ay Shacabka ugula tashan lahaayeen Miisaaniyadda dowladda 2018.
Shacabka kulanka ka qeyb galaya ayaa su’aalo la xiriira Miisaaniyadda dowladda weydiinaya guddiga iyo xubnaha ka socda Wasaarada Maaliyadda ee kulanka ka qeyb galaya.

Guddiga Miisaaniyadda , Maaliyadda iyo qorsheynta ee golaha Shacabka ayaa doonaya iney shacabka usoo bandhigaan warbixin ku saabsan qaabka loo diyaariyay miisaaniyadda 2018 iyo qaabka loogu qoondeeyay Hay’addaha dowladda.

Guddiga ayaa sheegay in talooyinka ay shacabka ay ka aruuriyaan in ay ku dari doonaan Miisaaniyadda dowladda 2018 maadaama sida ay sheegeen miisaaniyadaan 2018 ay tahay mid sareysa oo ka duwan miisaaniyadihii hore.

Miisaaniyadda 2018 ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaareysa lacag dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Miisaaniyaddii hore ayaa ahayd 260 milyan, Farqiga u dhaxeeya labada miisaaniyadood ee 2017 iyo tan cusub ee 2018 ayaa ah 14 milyan oo micnaheedu yahay 5.63% ayaa ku korortay Miisaaniyada cusub ee 2018.

Sidoo kale waxaa miisaaniyad gaar ah loo qoondeeyay oo miisaaniyadaan ku jira dhismaha warshada dharka ee ciidamada qalabka sida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.