Cabsi soo wajahday Shacabka ku nool tuulooyin hoostaga cadaado,kadib shabaab badan oo gaaray tuuloyinkaasi.

Wararka Naga Soo gaaraya tuulooyin hoostaga degmada cadaado ee gobal;ka galgaduud ayaa sheegaya in cabsi badan ay xalay iyo ilaa iyo saakay ay soo wajahday shacabka ku nool tuuulooyinkaasi,kadib markii ay halkaasi ay gaareen dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-shabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in shabaab badan ay xiligan dhaq-dhaqaaq ciidana ay ka bilaabeen tuulooyin iyo degaano hoostaga degmada cadaado ee gobalka galgaduud.
Waxaana jirta cabsi aad u badan oo xiligan soo foodsaartay shacabka nool degaanada uu maamulo maamulka galmudug,kaasi oo ku aadan in dagaal uu dhexmaro ciidamada galmudug iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa jira diyaar garow la geliyay ciidamada amaaanka ee maamulka galmudug,kaasi oo ku aadan sidii Dagaalamayaasha Al-Shabaab looga saaari lahaa tuulooyinkaasi oo ay ku sii qul-qulayaan Ciidamo ka tirsan Shabaab.
Degaano ka tirsan gobalka galgaduud ayaa haatan waxaa ku sugan dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab,xili ay ka soo baxsadeen duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha mareykanka.
Dhawaan ayay aheyd markii Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga ee maamulka galmudug ayaa idaacada kulmiye u sheegay inay haatan dejiyeen qorsho looga saarayo Shabaabkii galay degaaano hoostaga gobalka galgaduud iyo qeybo ka mid ah gobalka mudug.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa sii kordhiyay duqeymaha ay la beegsanayaan dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan qeybo badan oo ka mid ah gobalada dalka,iyadoona ay xusid mudan tahay in shabaabkii aad ugu badan dhawaan ay ka baxsadeen gobalada shabeelooyinka,jubooyinka iyo gobalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.