Ciidamada xoogga oo la wareegay degaano hoos yimaado gobalka hiiran oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Alshabab

Sida ay Sheegayaan Wararka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab waxaa ayna  kala wareegeen degaano iyo tuulooyin  hoostaga Gobolka hiiraan.
Degaanada  Al-shabaab la gala wareegay ayaa waxaa ka mid ah Indha Caad, Afar Irdood, Ceel lahele iyo Ceeyrow oo hoos yimaada Gobolka Hiiraan,kadib markii mudooyinkii dambe halkaasi ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo dadka ku dhibaateyn jiray.
Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ah  Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 10-aad ee Qeybta 21-aad ciidanka xoogga dalka oo la hadlayay warbaahinta ku hadashada afka ciidamada qalabka syaa sheegay in ciidamada dowlada ay si nabad gelyo ah Al-Shabaab ay kala waregeen deegaanadaasi.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay dhaq-dhaqaaq ciidan ay ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobalka galgaduud ee bartamaha soomaaliya.
Ciidamada xoogga ee dalka ayaa iyaguna gobalka hiiraan ka sameynayo howlgalo lagula dagaalamo dadagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.