Sheekh Muqtaar oo xalay la kulmay masuuliyiin ka tirsan koofur galbeed.

robow

Wararka saakay laga helayo magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay sidoo kalena xarun KMG ah u ah maamulka koonfur galbeed ayaa waxaa ay sheegayaan in shiiq muqtaar roobow cali abuu mansuur uu xalaykulamo uu la qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka koonfur galbeed oo uu ugu horeeyo ku simaha madaxweynaha maamulkaas iyagoo ka wada hadlay abaabul degaal oo ka dhan ah shabaabka ku sugan qeybo kamid ah baay iyo bakool.
Kulanka ay wada qaateen ku simaha madaxweynaha koonfur galbeed iyo shiiq muqtaar ayaa imaanaya kadib markii shiiqu shalay uu gaaray bedhaba kahorna uu labo maalmood ku sugnaa magaalada xudur ee bakool.
Ilo wareedyo kulanka ka dhawaa ayaa sheegaya in roobow lagala hadlay sidii uu qeyb uga qaadan lahaa ka saarista shabaab meelaha ay kaga harsanyihiin islamarkaana ay ciidamadiisa qeybta ugu badan ee dagaalka bakool ka qaadan karaan.
Waxaa safarka ku wehliya shiiq muqtaar masuuliyiin kale oo uu kamid yahay wasiirkii hore ee gaahaan dhigga xukuumada c/rashiid clahi iyadoo la tilmaamayo in shirarka nuuxcaan ah ee lala yeelanayo shiiq muqtaar roobow ay sii socondoonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.