Cabsi Laga dareemaayo Magaalada Cadaado iyo Alshabab oo soo gaaray degaano udhow Cadaado

shabab

Magaalada Cadaado Oo Caasimada Ku Meel ah Dowlada gobaleedka Galmudug Ayaa waxaa laga dareemayaa Cabsi sida ay sheegayaan Shacabka Degmada Cadaado, waxaana Cabsidaan keentay Kadib markii la Sheegay In tuulooyin hoostaga Cadaado lagu arkay ciidamo badan oo ka tirsan Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Shabaab badan ay xiligan dhaq dhaqaaq ciidan ay ka bilaabeen tuulooyin iyo degaano hoostaga degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud, Waxaana jirta cabsi aad u badan oo xiligan soo foodsaartay shacabka nool degaanada u dhow Cadaado.

Degaano ka tirsan gobalka Galgaduud ayaa haatan waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan Al-Shabaab xili ay ka soo baxsadeen duqeymaha ay fulinayaan diyaaradaha Mareykanka iyo Ciidamada Dowlada soomaliya weeraro joogta ah ku haya kooxda Alshabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.